George Floyd oo la shaaciyay cudur halis ah uu qabay kahor inta aan la dilin

Dalka Mareykanka magaalooyin badan oo kuyaala waxaa wali ka socda dibad baxyo rabshada wata oo ka dhashay dilkii argagaxa lahaa oo sargaal katirsan booliiska u geestay George Floyd oo asal ahaan kasoo jeeda Afrika.

Warbixin cusub oo soo korortay ayaa ku warantay in George Floyd kahor inta uusan geeriyoon in uu qabay cudurka halista ah ee Caronavirus, waxaana la sheegay in cudurkan uu jirkiisa ku jiray balse uusan kasoo muuqan astaamaha lagu garto.

Xafiiska baaritaanada arrimaha caafimaadka ee degmada Hennepin ayaa shaaca ka qaaday in baaritaan la xariira cudurka Caronavirus oo laga qaaday Jeorge Floyd 3-dii bishii April laga helay cudurka Caronavirus.

Dr Michael Baden oo kamid ahaa dhahaatiirtii baaritaanka ku sameysay meydka Floyd ayaa sheegay in maamulka degmada Hennepin aysan ku wargelin in Jeorge Floyd laga helay cudurka Covid-19 kahor inta uusan geeriyoon.

“Haddii aad baaritaan ku sameyneyso meyd isla markaana laga helay feyraska Korona, marka waxaa iska caadi ah in aad u sheegtaa qof kasta oo taaban doono meydka, waa in si taxaddar ah loola tacaalaa”ayuu yiri Dr Baden.

Jeorge Floyd oo magaciisa dunida ku shaacay kadib dilkii laga argagaxay uu ninkan u geestay sargaal cadaan ah oo katirsanaa booliiska Mareykanka, dilka ninkan qabay cudurka Caronavirus ayaana gil gilay guud ahaan dalka Mareykanka.