Dab xoog leh oo caawa ka kacay Xarunta Dambi baarista Muqdisho.

Muqdisho,Dad xoogan ayaa caawa ka kacay xarunta dambi baarista (CID) ee Magaalada Muqdisho.

Dabkaan ayaa ilaa iminka la ogeyn sababaha keenay.

Balse warar hor dhac ah ayaa sheegaya in dabkaan uu geystay khasaare xoogan.

Ilo kala duwan oo aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in dabkaas khasaare xoogan u geystay qeybta sawirada looga qaado dadka la soo xiro iyo waliba maqaayad ku dhex taalay xarunta.

Ma jiraan war rasmi ah oo wali ka soo baxay saraakiisha xarunta CID-da oo ay kaga hadleen dabka xarunta ka kacay.

Wixii warar ah oo ku soo kordha kala soco www.aragticusub.com