Madaxweyne Xaaf oo ku baaqay in la joojiyo howlaha ka socda Dhuusa-Mareeb(Warsaxaafadeed).

Gaalkacyo, Madaxweynaha Galmudug Ahmed Duale Gelle Xaaf ayaa ku baaqay in la joojiyo howlaha maamul u dhisida Galmudug ee ka socda Dhuusa-Mareeb.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ugu baaqay dhinacyada ku sugan dhuusa-mareeb ee wada dhismaha in arimahaasi hakiyaan isla markaana isaga looga dambeeyo.

Xaaf ayaa ugu baaqay dadka ku abtirsada deegaanada Galmudug in ay isugu yimaadaan shir dib u heshiisiineed.

”waxaa ugu baaqayaa siyaasiyiinta,culumadda iyo guud ahaan reer Galmudug in la isugu yimaado shir dib u heshiisiineed “ayuu yiri Xaaf.

Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxweyne Xaaf.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com