Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo Wada hadal hoose u socda.

Gaalkacyo, Warar hoose oo aynu ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in wada hadal hoose u socanayaan Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh shaakir.

Wada hadaladan ayaa ah kuwo ay ku doonayaan is is faham laga gaaro khilaafaadka ka dhex jiray in muda ah.

Qaar ka mid ah dadka gar wadeenka ka ah wada hadalada ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Aragticusub in wada hadalada iminka bilow yihiin.

Waxaa ay intaas ku dareen in labada mas,uul wada hadaladooda diirada ku saari doonaan xal u helida khilaafaadka sii socda ee ka jira dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug.

Sidoo kale wada hadalka ayaa la iskula soo qaadi doonaa fara galinta dowladda dhexe ku heyso Arimaha maamul u dhisida Galmudug iyo sidii mowfiq mid ah looga qaadan lahaa.

Kulankaan ayaa iminka ah mid bilow ah isla markaana hadii uu mira dhal noqdo waxaa ay caqabad weyn ku noqon doontaa dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo waqti iyo qarash fara badan ku bixinaya sidii Maamulkaas ugu dhiibi lahaayeen qof siyaasada dowladiisa taabacsan.

Wixii Warar ah kala Soco Www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com