Taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo kormeer ku tagay Saldhiga Balidoogle(Sawiro).

Muqdisho, Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Janaraal Odawaa iyo saraakiil la socotay ayaa kormeer ku tagay saldhiga Ciidamada Balidoogle ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Janaraal odawaa ayaa kormeer ku sameeyay saldhiga iyo waliba qaababka kala duwan oo ay u shaqeeyaan ciidamada ku sugan.

Sidoo kale Janaraal Odawaa ayaa kulan la qaatay saraakiisha ku sugan Balidoogle oo isugu jira Soomaali iyo Cadaan.

Booqashadiisa ayaa salka ku haysa sida Saraakiisha Ciidamada uga go,antahay la dagaalanka argagixisada iyo walba sida looga guuleysan lahaa.

Saldhiga Balidoogle ayaa ah xarunta Ciidamada ugu weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose, Waxaana ku sugan ciidamo saraakiil Soomaali iyo ajaanib isugu jirta kuwaas oo tababaro kala duwan siiya ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Halkaan ka daawo Sawirada Kormeerka ee Janaraal Odawaa.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com