Xaflad lagu caleemasaarayay gudoomiyaha Jaaliyada Galmudug ee dalka Norway oo lagu qabtay Magaalada Oslo

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna ka soo qeyb galeen Aqoon-yahano, culumaa’udiin, Siyaasiyiin, dhalinyaro iyo Haween isla markaana ujeedkiisu ahaa caleemo saar loo samaynayay guddoomiyaha guud Jaaliyadda Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway.

 

Furitaanka Xaflada waxaa ka hadlay Ahmed Qare oo ka mid ah dadkii soo agaasimay xaflada ayaa ka mahadceliyey dhinaycadii kasoo qeyb galay.

 

Naciimo Abdirahmaan Casayr iyo Ahmed Waceys oo labaduba ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Norway ayaa sheegeen in ay tahay wax lagu farxo yagleelida guddoomiyaha guud jaaliyadda Galmudug, waxayna Guddoomiyaha la la doortay kula dardaarmeen midaynta Jaaliyadda Galmudug.

 

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee dalka Norway Abdirizaaq Hassan Gurxan ayaa dhankiisa u mahadceliyey dadkii ka soo qeyb galay caleemasaarkiisa, wuxuuna balan qaaday in uu dhammaan gogol u fidin doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo wada jeeda deegaanada Galmudug.

 

Sidoo kale dadkii goobta ka hadlay ayaa intooda badan ku amaanay guddoomiye Abdirizaaq inuu yahay mid kasoo bixi doona waxyaabihii loo doortay oo ay ugu horeeyaan horumarinta, mideynta iyo ka warqabka dadka ku abtirsada deegaanada Galmudug ee ku nool guud ahaan dalka Norway.

 

Ugu danbeyntii waxaa goobta heeso ka hadlayay wadaniyada iyo maamulka Galmudug goobta kusoo bandhigay fanaaniinta Norway, iyadoo ay si aad ah ula dhaceen dadweynihii 

 

Xafiiska Wararka Oslo

Info@aragticusub.com