Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Faah Faahiyay Hawlgalada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo la Hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay In ciidamada Danab ay xalay Saqdii dhaxe ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabellada hoose.

S/guuto.Odowaa Yuusuf Raage waxa uu tilmaamay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 7 ka tirsan Al-shabaab ,kuwaasi oo dadka ku dhaqan leego ka qaadi jiray lacago baad ah.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab,gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay  degaanka Leego ee gobolka Shabellada Hoose.howlgalka uu ahaa mid qorsheysan ayuu Taliyaha intaasi ku daray

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com