Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xukun ku riday shaqsi lagu Eedeeyay in uu ka Tirsan yahay Alshabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday nin la sheegay inuu la wadashaqeyn jiray dowladda iyo Al-shabaab.

Farxaan Maxamuud Xasan oo ah nin dhallinyaro ah ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah, sida uu degmada Baladxaawo kaga dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda darajadda 1aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Ciidamo ka Tirsan NISA ayaa la sheegay inay soo ogaadeen Fariimo qoraalo ah oo eedeysane Farxaan la wadaagay Al-shabaab.

Farxaan ayaa la sheegay inuu Al-shabaab ku biiray 2010, uuna tababar ku soo qaatay xero ku taalla degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, kadibna kamid noqday ilaalada gaar ah ee xasbiyada qarsoon ee Al-shabaab.

Farxaan wuxuu ka qeybgalay dhowr weerar oo Al-shabaab ku qaaday Afmadow, Buulo xaaji, Kudhaa iyo Baarsanguuni, sidoo kale wuxuu kaalin ku lahaa weerarkii ka dhacay xerada ciidamda Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu Kenya, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Weerarkii Manda Bay ayaa dhacay bishii Jannaayo ee sanadkan, waxaana lagu dilay dhowr askari oo Maraykan ah.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com