Koofur Galbeed oo Eedeeyn U Jeedisay Maamulka gobolka Banaadir

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  Dawlad  goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inay lama Filaan  ku noqotay, markii maamulka gobolka Banaadir uu tartanka kubbadda cagta ee degmooyinka gobolkaas ku soo darsaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka dhallinyarad iyo cayaaradaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Abba Awow Sheekh Suufi oo warbaahinta la hadlay ayaa arrintaas ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo marnaba uusan aqabi karin maamulka uu ka tirsan yahay.

Wasiir Dhalinyarada Koofur Galbeed wuxuu sheegay in gobolada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose wax laga weydiin karo oo kaliya Dawlada  Koonfur Galbeed, maadaama dalku lee yahay Nidaam Federaal ah .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com