Dalxa oo loo magacaabay booskii uu iska casilay Danjire Guulwade.

Muqdisho : Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa loo magacaabay booskii uu iska casilay Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade).

Danjire Cabdiraxmaan Guulwade ayaa iska casilay xubinihi Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Danjiraha ayaa qiil u sameeyay hawlgalkii Ciidamada Militariga Somaliya ee Gobolada Waqooyi (Somaliland), sanadkii 1988-kii.

Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Afhayeenka Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa sheegay inay ka xun yihiin hadalka ka soo yeeray Danjire Guulwade, isla-markaana uu yahay mid isaga uun ku kooban.

Afhayeenka oo u waramay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa sheegay in Danjire Guulwade uu warqadda istiqaalada soo gudbiyay 8-dii bishan, lagana aqbalay 9-kii bishan.

 

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com