Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Gudiga Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya (SAWIRO).

Muqdisho, Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa maanta kulan la qaatay Gudiga cunaqabateynta QM u qaabilsan hubka ee arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Gudiga ayaa ugu dambeyn uga Mahadceliyay Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo dadaalada ay ku bixinayso arimaha amaanka wadanka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com