Shan qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Ismaamulka Gaarisa

Shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay mid kalena dhawac culus ayaa ka soo gaaray qarax  lala beegsaday baabuur ay wateen rag qandarasleyda ah.

Gaadiidkaan ayaa marayay duleedka magalada Masalani ee Ismamulka Garissa ee dalka Kenya.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay raggani saaraayeen, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo la hadlay Warbaahinta xaqiijiyeen.

Ma cadda cidda ka dambaysay qaraxaas, balse waxaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan dablay hubeysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com