Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo heshiis horudhac ah gaaray Odayaasha Beledweyne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan balaaran la qaatay Nabadoonada iyo Waxgaradka beesha xawaadle ee tabashada ka qabay Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashii ay ka qabeen iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajir Dowladnimada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay odayaasha waxa uuna sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadii ay ku heshiiyeen.

Muddo ka badan Sanad iyo bar ayay kasoo horjeedeenin Madaxweynaha Hir-Shabeellw uu tago Beledwehne, hayeeshee ugu dambeyn uu maalin ka hor tegay.