R/W New Zealand oo sheegtay in ay ka adkaadeen COVID-19

 

New Zealand ayaa qaaday dhammaan xayiraadihii saarnaa iyadoo sheegtay inaysan muddo laba isbuuc ah diiwaan gelinin kiisas cusub ee cudurka COVID-19.

Ra’iisal wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern, ayaa qoob ka ciyaar yar samaysay xilli ay ku dhawaaqaysay in dalka uusan ka jirin wax kiis ah oo la xiriira covid-19 ah.

“Inta aan ku jirno xaaladdan ma fududaanayso inaan hal mar ku noqonno meeshii aan joognay ka hor inta uusan cudurkan dillaacin balse hadda waa inaan bilawno sidii aan ku dhisi lahyn dhaqaalaha dalka,” ayey tiri.

Waxa ay sheegtay in xuduudaha dalka weli sii xirnaan doonaan, si mar kale uusan cudurkaaas ugu soo faafin dalkooda.

Waxaa sidoo kale loo baahnaan doonin in la raaco tallooyinka looga hortago faafidda cudurka COVID-19 sida kala fogaanshaha iyo isu imaadka dadka.