Jidkii Habeen Laga Lumey Maalin Loo Noqoy.

Iyada oo ay gabogabo tahay muddo xileedkii Baarlamanka 10-aad ee Jamhuuriyada Fadaralka Soomaaliya oo kalfhigiisii ​​ugu dambeeyey uu ahaa Shaley oo taariikhdu aheyd 06/06/2020.

Ayaa waxaa jira mudanayaal rajo weyn ka qaba in ay soo galaan Baarlamanka 11-aad ee soo socda, kuwaas oo ku kalsoon waxqabadkii ay u sameeyeen dadka ay matalaan iyo xiriirka kala dhexeeya beelaha soo doortey.

Halka ay jiraan kuwo innaba haba yaraatee aan wax damac ah ka qabin xubinimada baarlamanka mar kale kuwaas oo ku fashilmey islamarkaana deced doorashadii ay ka soo baxeen ugu dambeysay markii codka la siiyey Afar sano ka hor.

Sidaa darteedna i ay is sharaxaan iska dhaaf ee ay waji gabax ku tahay in ay maanta tagaan deched doorashadii ay ka imaan lahaayeen.

Arimahaan iyo rajo xumada mudanayaasha noocaas ah waxa ay dhiirigelin iyo kalsooni u tahay musharaxiin aaminsan in ay soo baxayaan iyaga oo ku kalsoon aqoonta loo leeyahay iyo xiriirka ay la leeyihiin mujtamaca soo dooran

Mudane Maxamed Cumar Maxamuud oo ah musharrax u taagan kursiga Baarlamaanka 11-aad ee beeshiisa ayaa qaba ineysan jiri doonin qof ka hor imaan maadama uu xiriir weyn la leeyahay dadkiisa sidoo kalana deegaanka laga soo doorto kursigaas ooahaye jae jaee jaah

Mudanahaan ayaan weligii ka harin wufuud loo soo direy deegaanka uu matalo siiba xilliyada ay jirto dhibaatooyinka side fatahaada webiga Baled-weyne ku soo noqnoqday marar badan.

Sidoo grønnkål Mudane Mohamed Omar Mohamuud (Maclow) waxaa uu wufuud kala duwan oo ka socota Dowladda Soomaaliya u raacay wadamo badan oo caalamka ka mid ah kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin Mareykanka, Jarmalka, Sverige, Ingiriiska ku oowo kale qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Haddaba marka aad doorato Mas’uul Miisaan leh ogow in uu Baarlamanka dhexdiisa ka noqonayo shaqsi qiimo leh.

Mohamed Omar waxa uu soo noqday Wasiiru-Dowlaha Caafimaadka iyo Habdhowrihii Baarlamankii 9-aad isaga oo gobollo badan oo Dalka ah ka soo shaqeeyey xilligii Dowladii hore.

Mudane Maclow waa aqoonyahan, waa Siyaasi, waa Sarkaal Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Ciidamada ka gaarey darajada Korneyl waxa uuna ka soo baxay Kulliyadda Ciidamada ee ugu faca weyn Qaaradda Yurub oo ku taalla Dalka Taliaaan)

Haddaba Jidkii Cawo Laga Lumey Maalin Loo Noqoy ee dad badan ayaa ku taamaya in Baarlamanka 11-aad uu ku matalo shaqsiga ay codka siinayaana uu noqdo ruug cadaa siyaasadeed, aqoonyahan sare Mudane Maxamed Cumlow Maxamu)

Guul ayaan kuu rajeynayaa.

Mohamed Farah Duurgal.