Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan isugu yeeray Xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda juabland+sawiro

Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Dhuusomareeb kula kulmay Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ku matala Jubbaland.

Kulankan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo iyadoo Madaxweyne Axmed madoobe  uu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubland ayaa xildhibanada labada Gole Baarlamaanka kana soo jeeda jubland kula kulmay magaalada Dhuusamareeb

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com