Gabar aargudasho Layaab leh ku sameesay Saaxiibkeyd oo Qiyaanay !!

Warbaahinta Shiinaha ayaa tebisay sheekada gabar qalbi-jabkii ay ka qaaday qiyaanada saaxiibkeed ku dhaqaaqday fal aargudasho kii ugu la yaab badnaa.

Haweeneyda oo la yiraahdo  Miss Zhao, oo ku nool Zibo waxay hadyad ahaan guriga saaxiibkeed ugu soo dirtay kun kiilo oo basal guduud ah — iyada oo ku tiri ‘ku ilmeey jarjaristeeda.’

Tani aya daba socda kaddib markii March 20 oo ku beegan Maalinta Jaceylka Shiinaha ay ogaatay in saaxiibkeed uu xiriir hoose la leeyahay gabdho kale kuwaas oo waqti hufan uu la qaato.

 

Aad bay runtii uga niyad-jabtay. Waxaana ay oohin ku jirtay saddex maalmood. Laakiin markii ay bogsatay kuma qancin inay sidaas ku dhaafto. Waxay go’aansatay inay marsiiso ciqaab ula muuqatay inay ku filan tahay niyad samideeda.

Waana markii ay hadyad ahaan ugu soo dhiibtay kun kiilo oo basal ah.

In kasta oo uu ka maqnaa guriga, laakiin markii uu yimid ayuu ogaaday inay jawaab u tahay falkii uu ku kacay.

Dadka jaarka la ah inankan ayaa sheegay in urta basasha ay aad u dareemayeen.

Mid kamid ah ayaa yiri: “Ma aqaan haddii basashu ay ilmo ka keentay ninkii hadyadda loogu keenay, balse urteeda ayaan ka joogi la’nahay oo xaafadda oo dhan basal miiran ka dhigtay.