Alshabaab oo la wareegtay gacan ku heynta Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay la wareegeen Al-shabaab.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa qabsaday dhawr tuulo oo ku dhow degmada Matabaan sida laga soo xigtay warbaahinta u hadasha Alshabaab

Al-shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale ‘ Gudoomiye ku Xigeenka Amniga Maamulka degmada matabaan ee gobolka Hiiraan Ducaale Aadan cabdi ayaa beeniyay in Alshabaab ay qabsadeen degmada Matabaan balse waxaa uu sheegay in shabaabku ay maanta tageen degaanka Qamno oo u dhow degmada matabaan ee gobolka Hiiraan ka dibna halkaas ay isaga baxeen waa sida uu hadalka u dhigay Gudoomiye ku xigeenka degmada matabaan ee gobolka Hiiraan

Xaalada ayaa haatan degan waxaana wararka ay sheeegayaan maamulka gobolka Hiiraan ay wadaan Abaabul la xiriira sidii Alshabaab ay uga la wareegi lahaayeen degaanada maanta ay qabsadeen eek a tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com