Cumar Filish oo sheegay inay furayaan wadooyinka xiran Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in la xaqiijiyay amniga Guud ee magaalada muqdisho, isla markaana dhawaan ay furayaan wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in maadaama ay xaqiiqsadeen in Amniga Muqdisho uu hagaagay in koontoroolada faraha badan la qaado si bulshada ay u dareemaan in nabad la gaaray

“Waxaan rajeynayaa Bisha hadda lagu jiro oo ah bisha lixaad gudaheeda maadaama la xaqiijiyay amniga Muqdisho in barkoontoroolada laga qaado gudaha magaalada lana geeyo goobo durugsan oo Magaalada cirifkeeda ah ayuu yiri” Duqa Muqdisho.

Ugu dambeyn guddoomiye Cumar Filish ayaa u mahad celiyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgalla Magaalada muqdisho oo uu sheegay in amniga maanta la heysto ay iyaga dhaliyeen.

lama oga sida uu ku dhaqan geli karo hadalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir maadaama markii la doortay ee uu xilka la wareegayay uu balan qaaday in wadooyinka la furayo balse hadalkaas uu noqday mid aan fulin.