Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Baaris deg deg ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Golaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa codsaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo been abuuris lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi Xaashi waxaa uu ku sheegay in  Guddoonka Golaha Shacabka uu been abuur ku sameeyay Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka gaar ahaan qodobka 27aad oo ah Xeerka maareynta Maaliyadda Guud ee dalka oo ay waxka bedel ku sameeyeen.

Waxaa Qoraalka Gudoomiyaha Aqalka Sare sidoo kale lagu sheegay in Xeer aan aheyn kii ay waxka bedel ku sameyeen Golaha Aqalka Sare uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo,iyada oo Madaxweynaha loogu baaqay in uu baaris deg deg ah ku sameeyo Arrintaas.

Guddoomiyaha Golaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa horay qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in waxka bedel lagu sameeyay Sharciga doorashooyinka Qaranka oo uu saxiixay Madaxwyene farmaajo.