shirka Golaha wasiirada Jubland o lagu Ansixiyay Miinsaaniyada Sanadka 2020ka

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha Maxamuud Sayyid Aadan ayaa shir gudoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha wasiirrada Jubbaland kaas oo ka dhacay madaxtooyada jubbaland.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay madaxwayne ku xigeenka labad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan ha’yadaha dawliga ah ee Jubbaland.

Kulankan maanta waxaa lagaga hadlay xaaladda amniga Jubbaland iyo xaaladda guud ee dalka.

Shirka golaha wasiirrada waxaa sidoo kale maanta lagaga dooday cod aqlabiyad ahna lagu ansixiyay kordhinta miisaaniyadda dawlad goboleedka Jubbaland ee 2020 kaas oo loo gudbin doono baarlamaanka Jubbaland si loo ansixiyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com