Danjiraha Cusub ee DFS u qaabilsan Sacuudiga oo warqadaha Aqoonsiga laga gudoomay+Sawiro

Safiirka dowladda DFS ay dhawaan u magacawaday Dalka Sacuudi Carabiya  ayaa warqadaha aqonsiga Safiirnimo u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda dalkaas

Saalim Macow Xaaji oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga  ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Dalka Sacuudiga u qaabilsan Arimaha baratakoolka Khaalid Bin Feysal.

Danjire Saalim Macow ayaa uga mahad celiyay dowladda Sacuudiga sida ay u soo dhaweeysay, waxaana uu sheegay in uu wax weyn ku kordhin doono horunarinta iyo cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay wadaagaan labada dowladood.

Danjiraha Soomaaliya ugu qaabilsan Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doono xiriirka labada dal ee walaalaha iyo iskaashiga ka dhexeya.

Xafiiska aragticusub Muqdisho

Info@aragticusub.com