Dhageyso: Wafdiga Ra’iisal wasaare Rooble oo kulamo ka wada Magaalada Qaahira +Sawiro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku joogo dalka Masar ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo wafdigiisa ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli oo ay wehelinayeen Wasiirrada Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Masar sidii kor loogu qaadi lahaa doorka ay ku leeyihiin dalkaasi waxbarashada dalkeenna iyo sidii loo kordhin lahaa deeqaha waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Labada dhinac waxa ay iska xogwareysteen muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee dhaxeeya labada dal, iyadoo Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli uu bogaadiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Booqashada rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku joogaan dalka Masar ayaa qaadanaysa muddo 3 maalmood ah, taas oo kulamo kala duwan uu la qaadanayo madaxda iyo masuuliyiinta ugu sarreysa dalkaas.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha XFS u uku joogo dalka Masar ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, iyo masuuliyiin katirsan goleyaasha Dowladda.

Wasiirka Arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka warabixiyay booqashada Ra’iisal Wasaaraha uu ku joogo Dalka Masar.

Halkaan hoose ka Dhageyso codka wasiirka Arimaha dibada:

Xafiiska Aragticusub Muqdisho

Info@aragticub.com