Weerar loo adeegsaday gaari oo ka dhacay dalka Jarmalka

Sida ay xaqiijiyeen booliiska Magaalada Tier oo ku taala galbeedka Jarmalka, shan qof ayaa dhimatey, dhowr iyo toban qofna wey dhaawacmeen kadib markii qof uu gaari jiirsiiyey dad marayey meelaha loogu talo galay in ay dadku maraan ee wadooyinka.

Booliska ayaa weerarkan u xiray nin 51 jir ah, kaasi oo sida la sheegay cabsanaa alcohol badan markii uu weerarka fuliyey.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inaysan fileyn in weerarkan ay ka dhiirigeliyeen arrimo la xiriira diin, siyaasad ama argagisixo.

Ninka falka gaystay oo cabsanaa ayaa iminka waxaa suaalo waydiinaya Ciidamada Booliska.

Booliska waxa ay u sheegeen ehelada dadka dhibaatada soo gaartay in falkaasi uusan la xiriirin arrimo argagixiso.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com