Fal argagax leh oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir

Fal argagax abuuray ayaa  ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kadib markii nin toorey ku hubeysan uu dilay hooyadiis.

Cabsiiye Caddaan oo ah magaca ninka dilka geystay ayey wararku sheegayaan inuu muran ku saabsan dhaxal dhexmaray qoyska, taasoo keentay inuu Hooyadiis Toorey ku dilo.

Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhaawacay laba wiil oo ay midkood walaallo yihiin kuwaasoo isku dayayey iney qabtaan markii uu hooyadiis dilayey.

Soomaaliya ayaa waayihii u danbeeyay Waxaad ku soobadanayay dadka aan maskixiyan wanaagsaneyn ku waasi oo dil ugeesto qaar kamid ah ahaladooda  oo ay ugu horeyaan walidiintod .

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com