Baarlamaanka Puntland oo Xasaanadii ka qaaday 8 Mudane

Xdildhibaanada Baarlamanka Puntlan, ayaa maanta xasaanaddii Xildhibaannimo ka qaaday 8 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.

Mooshin deg ah oo oo la horgeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Xasaanadii looga qaaday 8 xildhibaan oo laga keenay eedaymo , kuwaas oo ka soo horjeeday Guddoomiyaha Baarlamanka puntand , islamarkaana doonayay in ay mooshin ka ridagudbiyaan .
ilyayo 35 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa u codeeyay Xil ka qaadista xildhibaannada, 3 Xildhibaan ayaa diiday, halka mid kalena uu ka aamusay.
Xildhibaannada xasaanadda laga qaaday ayaa kala ah Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed,
Xil. Saleebaan Faarax Ciise, Xil. Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Xil. Muuse Siciid Xassan, Xil. Maxamuud Maxamed Barre, . Xil. Cabdicasiis Siciid Maxamuud iyo Xil. Maxamuud Axmed Caalin.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com