Wasiir Dubbe oo maanta ka qayb galay 11 guuradii ka soo wareegatay Qaraxii hotel shaamow

Wasiirka Warfaafinta XUkuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe,ayaa maanta ka hadlay xuska sanadguurada 11aad ee ka soo wareegatay Qaraxii ii ka dhacay Hoteel Shaamoow ee lala beegsaday Wasiirro,Dhaqaatiir,arday iyo shaqsiyaad kale.
Wasiir Dubbe oo manta la hadlay Warbaahita Qaranka ayaa xusay in falkaasi lagu xasuuqay dadkaasi wax ku ool ah uu ahaa mid naxdin leh oo taabtay guud ahaan quluubta shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Dubbe,ayaa xaqiijiyay in dadkii ka taliyay xasuuqaasi aysan gaarin wax faaiido ah,balse ay la kulmeen burbur iyo halaag,wuxuuna intaa raaciyay in qofkii dad xasuuqa isna uusan ka dambeyneyn .
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe Dubbe,waxa uu ka dhawaajiyay in qarax kasta oo dhaca uusan wax is-hortaag ah ku sameyn Karin horumarka ka socda dalka,sidaa daraadeedna dadka iyo dalka ay awood u leeyihiin in ay horay ugu socdaan wadada ifineysa mustaqbalkooda.
Ugu dambeyntii Wasiirku,ayaa tacsi qaran u diray qoysaskii iyo asaxaabtii ay ka baxeen marxuumiintaasi,wuxuuna alle uga baryay in uu hooy uga dhigo janatul Fardowsa.
Maanta oo kale (3-da December) ee sandkii 2009 waa maalin dadka Soomaaliyeed aanan marnaba dareenkooda hilmaami doonin xasuuqii ka dhacay hotelka shamoow ee magaalada Mudisho oo ay ku nafwaayeen dad fabadan oo qeyb-ka ahaan indhaha bulshada Soomaaliyeed.

Dadkii ku shahiiday waxaa ka mid ahaa suxufiyiin, Arday, waalidiin, wasiirkii Caafimaadka Khamar Aadan Cali , Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Xasan Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah ee uu ka mid ahaa Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com