Qaramada oo sheegtay in Gurmad la gaasiin doono Dadkii ka cararay Dagaaladii Itoobiya

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in uu bilowday howlaha Gargaar bini aadanimo lagu gaarsiinaayo gobalka colaaduhu ka socdaan ee Itoobiya.
Arrintaan ayaa timid kadib markii Qaramada Midoobe iyo dowladda Itoobiya kala saxiixdeen heshiis ogolaanaya in loo gurmado dadka ku dhibaateysan gobalka Tigray.
Heshiiskaan wuxuu ogolaanaya in shixnaddii ugu horeysay oo isagu jirta dawo iyo cunto la gaarsiiyo gobalka oo ay soo wajahday gaajo kadib dagaaladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.
Afhayeen u qaabilsan Qaramada Midoobe arrimaha bini aadanimada ayaa sheegay in marka hore qiimeyn lagu sameeyn doono baahiyaha jira si loo caawiyo dadka dhibaateysan.
Hay’adaha samafalka ee caalamiga ayaa dhowr jeer dalbaday in la fududeeyo qaabka wax lagu gaarsiin karo dadka ay wax yeeladu kasoo gaartay dagaalka u dhaxeeya jabhadda Xoreyna Tigreega iyo ciimada dowladda Itoobiya.
Qaramada Midoobe waxay sheegtay in dad gaaraya 800,000 oo ku sugan gobalka Tigreega ay u baahanyihiin gargaar bini aadanimo, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaxooti kasoo jeeda Ereteriya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com