Madaafiic Lagu Garaacay Meel U Dhaw Xarunta Ay Maanta Ku Shirayaan Baarlamaanka Cusub

Hoobiyeyaal ayaa lagu garaacay aga-gaarka Xarunta Villa Hargeysa oo ay Maanta kulankoodii Kobaad ku yeelanayaan Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayo ajandayaal dhowr ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in la maqlay dhawaqa jug xooggan, waxaana Hoobiyaha lasoo riday uu ku dhacay meel aan ka fogayn afafka hore ee xarunta kulanku ka socdo.

Wax khasaaro ah ilaa iyo hadda lama soo warin, sidoo kalena ma jirto cid ka hadashay oo ka tirsan laamaha ammaanka Dowladda, sidoo kale ma jito Cid sheegatay Mas’uuliyadda Hoobiyeyaasha lagu garaacay meel aan ka fogayn halka ay kulan ku leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ay horay u qaban-qaabiyeen Guddigii la magacaabay ee laabda aqal, ayaa waxaa lagu go’aamiyay waqtiga ay dhacayso doorashada Guddoonka labada aqal iyo goorta ay billaabaanyso diiwaan galinta Xubnaha u taagan in ay qabtaan Xilka Guddoomiyaha iyo laabda Guddoon xigeen.

Waxaa la go’aamiyay Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya la dooran doonaa 27 Abril 2022, sida uu ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka.

Sidoo kale doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ay dhici doonto 26 April, iyadoo maalinimada berry ah ay bilalaban doonto Diiwaam gelinta Musharaxiinta.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com