Dhageyso : Maamulka gobolka Banaadir oo ka warbixiyay Hawlgal lagu soo qabaty waxyaabaha maanka dooriya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)
ayaa maanta kormeeray Howlgal xoogan oo ay Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ka fuliyeen degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid kaas oo ay kusoo qabteen qeybaha kala duwan oo ay oo ka kooban tahay waxyaahaba Maanka Dooriya, waxaa sidoo kale howgalkan lagu soo qabtay dadkii ka ganacsanaaye,
Isgooska Fagax ee magaalada Muqdisho ayaa lagu gubay daraagiskaas kala duwan oo ay ciidamada amniga howlgalka kusoo qabteen, waxaana goob joog ka ahaa taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Halkaan ka dhageyso Codka Gudoomiye Cumar Filish