Laba dhalinyaro ah oo ku dhaawacmay toogasho ka dhacday Oslo.

Oslo, Laba dhalinyaro ah ayaa ku dhaawacantay toogasho xalay ka dhacday Magaalada Oslo ee ee Caasimada dalka Norwey.

falkaan oo ka dhacay jernstang av T-bane kaas oo nin hubeysan ku weeraray laba dhalinyaro da,dooda lagu sheegay 18-20 jiro.

Booliska Oslo ayaa xaqiijiyay in gacanta ku dhigeen nin 30-jir ah kaasi oo ay sheegeen in uu ka dambeeyay falkaasi.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeyay ruuxa weerarka geystay in labada dhalinyarada ah.

Taasi oo keentay in shaki laga muujiyo in falkaasi xiriir la leeyahay cunsurinimo,dadka ku dhaqan Oslo ayaa falkasi walaac ka muujiyay.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com