Norwey oo diiday soo celinta dadkii reer Afganistan ee hore dalkeeda looga tarxiilay.

Oslo,Dowlada Norwey ayaa maanta shaacisay in qorshaha ugu jirin in dib loo soo celiyo dad diidmo ka helay norwey ee lagu celiyay wadanka Afganistaan.

Ra,isul wasaaraha Norwey Erna Sorberg oo saxaafada la hadashay ayaa sheegtay in xaalad ay dib u soo celiyaan dadkaas haatan u muuqan.

Waxaana ay tilmaamtay in aysan jirin bartilmaameed dadkaasi loogu gesanayo in Norwey laga celiyay isla markaana xaalad ahaan la mid yihiin dadka ku sugan gudaha wadankaasi.

Sidoo kale Musharaxa Ra,isul wasaare ahna gudoomiyaha xisbiga AP Jonas Gahr Støre ayaa dhankiisa dowlada ku taageeray in aanay jirin baahin dadkaasi dib loogu soo celiyo wadanka Norwey.

Xoogaga Mintidiinta ah ee Taliban ayaa la wareegay inta badan wadanka afganistaan iyaga oo shalay si rasmi ah ula wareegay Caasimada Kabul iyo waliba qasriga Madaxtooyada wadankaasi.

Flyktninger og asylsøkere, Krig/Konflikter | Solberg og Støre avviser å hente tilbake tvangsreturnerte afghanere (nettavisen.no)

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com