RW Khayre oo boggaadiyay ciidamadii xoreeyay Janaale

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay xoreynta deegaanka Janaale oo kamid ahaa fariisimaha ugu waaweynaa ee Al Shabaab.

“Waxaan bogaadinayaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ka soo hooyeen howl-galka Argagaxisada looga dul qaadayay shacabka ku dhaqan Janaale iyo deegaannada ku xeeran. Waad ku mahadsantihiin gudashada waajibaadka idinka saaran ilaalinta dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Guusha CXD ayaa ka dhalatay dib-u-habayn iyo tayeyn uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha oo lagu sameeyay qaybaha kala duwan ee ciidamada, taas oo horseedday in taliska ciidanku la wareegaan hoggaanka howlgalka argagixisada dalka looga saarayo.

“Dib-u-habeyntii aan ku sameynay ciidanka, waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda, waxayna soo celisay haybadda qarankeena, taas oo suurtagelisay in cadowga laga sifeeyo dhul ay sanado badan ku sugnaayeen, taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo.” Ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre.

Hawlgalkan oo ka duwan hawlgaladii hore ayaa u jeedkiisu yahay gaarsiinta adeegyada muhiimka ah dhammaan deegaannada cadowga laga xoreynayo, taas oo looga gol-leeyahay inaan argagixisadu dib ugu soo laaban deegaanada laga xoreeyo.

“Si loo hubiyo soo celinta nolosha deegaannada la xoreynayo, howlgalkani waxuu isugu jiraa; Ciidanka Xoogga oo wiiqaya argagixisada, Booliska oo xoreynta kadib la wareegaya amniga, dhismaha maamullada deegaannada iyo hay’adaha kale ee dowladda oo adeegyada aasaasiga ah gaarsiinaya.” Ayuu yiri Khayre.

Hawlgalka Badbaado 1 iyo Badbaado 2 ayaa qayb weyn ka qaatay sugidda amniga caasimadda, waxaana ciidamda dowladdu la wareegeen dhammaan buundooyinka Gobolka Shabellaha Hoose oo nabadiidku ka soo gudbin jireen gawaarida waaweyn qaraxyada ay kusoo rakibaan.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com