Madaxweyne Laftagareen oo balan qaaday in Alshabaab laga saari doono gobolka Bakool

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta ayaa xalay ku degmada Xudur kula kulmay Maamulada degmooyinka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, isaga oo kala hadlay badan .

Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa kamid ah, Madaxda Maamulada degmooyinka, Xudur, Rabdhuuro iyo Tiyeegloow, isaga oo kala hadlay dhibaatooyinka kajira Gobolka Bakool iyo culeyska ay ku hayaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo Faah Faahin ka bixiyay kulanka ayaa sheegay inay Madaxweynaha  u gudbiyeen dhibaatooyinka ka jira Gobolka Bakool qaasatan xaaladda adag oo ay ku sugan yihiin Shacabka degmada Xudur oo ay  go’doonsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Maxaxweynaha uu u balan qaaday in si deg deg ah Go’doonka looga qaado degmada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool

Degmada Xudur oo ah Xaruunta Gobolka Bakool ayaa Waxaa Go’doomiyay Alshabaab  waxaana ay Alshabaab diiday in Gaadiidka sida Raashiinka iyo Alaabaha kale ee ganacsiga  ay tagan degmada Xudur waxaana Taasi ay keentay in ay qaali garowdo maciishada qaybaheeda kala duwan iyada oo sicir barar baahsan uu ka jiro Degmadaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com