Midowga Yurub oo ka hadlay shirka Jabuuti Maanta uga furmaya DFS iyo Soomaliland

Safiirka  Midowga Europe u jooga Somalia,Nicholas Berlanga ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Kulankaasi oo ay u arkaan tallaabadii Koowaad wee lagu gaari karo guulo la wadaago.

Qoraal uu Ambassador Nicholas Berlanga soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku muujiyey in Ergada Midowga Europe ka joogta Somalia rajeynayaan inuu Shirkaasi noqdo Tallaabadii u horeysay ee Wada-xaajodo lagu aqbali doono Guulaha ay wadaagaan dadka oo dhan iyo in la sii daayo Shucuurta muddada dheer  qaadatay.

Dhinaca kale, Danjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, Ambassador Nicolas Berlanga waxa uu ku baaqay inaan mar kale la xirin Albaabadda Rajada ee Heshiiska.

Hadalka ka soo baxay  Ururka Midowga Europe ayaa waxa uu soo baxay saacado kadib, markii uu Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle shaaciyey inuu Shir-guddoomin doono Kulan ay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi maanta ku yeelan doonaan Jabuuti.

Qoraal uu Madaxweyne Geelle shalay galab soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku xaqiijiyey qabsoomida Kulanka lagu dhexdhexaadinayo Madaxweyne Faraamjo iyo Muuse Biixi.