Maxaa ka soo baxay Kulan Muqdisho ku dhexmaray Wasiirada Hawiye iyo Madaxda Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele?

Magaalada Muqdisho ayaa Xalay Waxaa kulan ku yeeshay Madaxda Dawlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabele iyo wsiiro ka Tirsan Beesha Hawiye

Kulankaan oo ahaa mid lagu Taageerayay Qorshe uu hore ugu dhaawaqay Madaxweyne Farmaajo ee looga hadlayay Matalaad uu gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka sare .

Warar kale ayaa sheegaya Sababta Wasiirada Hawiye iyo Madaxda Galmudug iyo Hirshabeele kulankodii xalay uu ahaa mid looga gol lahaa sidii  maamulada Puntland iyo Galmudug laga yeeli lahaa marka ay timaado Awood qaybsi maamuladaasi oo ka biyo diidan Hanaanka Dawlad Federaalka  ay u wajaheyso Dawlad goboleedyada balse ma jiro  wax go,aan ah oo ka soo baxay kulankii xalay ka dhacay Muqdisho

Madaxda maamulada Puntland iyo Jublanad aya Taageero Xooggan ka heystay Golaha Midowga Musharixiinta oo didan Gudigii Doorashooyinka Heerfederaalka ee DDawlada ay u sameysay in ay ka shaqeeyaan doorashooyinka  waxaana midowg Musharixiinta ay ku hanjabeen in ay Tallaabo kale ay qaadinoonan Haddii Dawlada ay Hergeliso doorashooyin Qaldan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com