Taliye Ciidan oo Caawa la dilay & faah faahin kasoo baxeysa

Wararka laga helayo Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu  diley Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Gobolka Sool ee Soomaaliland .

Taliyaha la diley oo lagu Magacaabi jirey Cabdiqani Guhaad ayaa dad ku sugan laac-caanood waxaa ay sheegeen in rag hubeysan ay  ku hor toogteen Gurigiisa hortiisa xilli uu ku sugnaa,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliland ayaa gaarey halka dilka uu ka dhacay,iyaga oo halkaasi ka wada howlgallo baaritaano ah oo ku aadan baadi goobka dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliye Guhaad nuu maalmahaan ku howlanaa baarista kiiskii lagu dilay Goddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud oo labadii Bishan qarax gaarigiisa loogu xiray lagu khaarijiyay.

Si kastaba xaalada Amni ee Magaalada laas-Caanood ayaa sii xumaaneysay labadii sano ee la soo dhaafay waxaana ka dhacay dilal iyo qaraxyo ay ku dhinteen mas’uuliyiin iyo dad Shacab ahaa.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com