Dagaal xoogan oo caawa ka socda Magaalada Dhuusa-Mareeb.

Muqdisho,Dagaal xoogan ayaa caawa ka qarxay bartamaha Magaalada Dhuusa-Mareeb.

Dagaalkan ayaa ah mid u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan dowlada Federaalka iyo Maamulka Ahlu Sunna.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayay labada dhinac isku adeegsanayaan dagaalka kaasi oo aan ilaa iyo haatan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kadib markii ciidamo dowlada ka tirsan weerar ku soo qaadeen fariisimo Ciidamada Ahlu-suna ku leeyihiin bartamaha Magaalada.

Dagaalka ayaa imaanaya xili ciidamada dowlada dhawaan xabsiga dhigeen Gudoomiyihii ahlu sunna u Magacabnaa Dhuusa-Mareeb Walad Abdalla, kaasi oo ilaa iyo haatan xabsi ugu jira Ciidamada dowlada.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com