Dhageyso :Ra’iisal wasaarihii hore Kheyre oo sheegay in uu isaga Iscasilay sharci darrona ku Tilmaamay Xil ka qaadistiisa

Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya  Xassan Cali Khayre ayaa shir jaraaid uu qabtay kaga hadlay  xilka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa uu sheegay in aan Go’aankaasi loo marin hannaan Sharciga waafaqsan.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali kheyre  ayaa sheegay in kadib markii uu arkay in Go’aanka Kalsoonida looga qaaday uusan waafaqsanayn Sharciga uu iskiis isu casilay isagoo ilaalinaya Midnimada iyo Xasiloonida Umadda Soomaaliyeed

Sidoo kale ka hadlay eedaymaha Baarlamanku u jeediyay ee la xiriira in Xukuumaddiisu ay ku fashilantay Hoggaaaminta Dalka gaar ahaanna qabashada Doorasho qof iyo cod ah oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddii isaga uu hogaaminayay ay wax badan ku guuleysatay sida in deymaha dalka laga cafiyo ,iyo Wax yaabo kale oo ay ku jirto Dhismaha Ciidanka Qaranka