Warbaahinta Norwey oo aad uga hadashay xilka qaadista Hasan Kheyre.

Oslo, Warbaahinta gudaha wadanka Norwey ayaa maanta si aad ah uga hadashay xilka qaadista maanta lagu sameeyay Ra,isul wasaare Hassan Ali Kheyre.

Warbaahibta gudaha kuwooda ugu weyn sida VG iyo Tv-ga Norwey ayaa warbixino kala duwan arinta xilka qaadista ah ka qoray.

Mr Kheyre oo heysta dhalasha Norwey ayay Baarlamaanka Soomaaliya xilki ka qaadeen iyaga oo ku eedeeyay in xukuumadiisa ku fashilantay wax ka qabashada amniga iyo sida ay uga gaabisay in wadanka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa daqiiqada ka dib xilka qaadista Ra,isul wasaarihiisa ku raacay Baarlamaanka isla markaana laga sugayo in uu soo magacaabo Ra,isul wasaare cusub.

Muda xileedka dowlada Soomaaliya ee hada jirta ayaa ah mid u harsan in ka yar hal sano.

https://www.nrk.no/urix/norsk-somalisk-statsminister-ma-ga-1.15100906

https://www.vg.no/nyheter/utenriks/i/9vyoRq/fjerner-norsk-somalisk-statsminister

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com