Madaxweynaha Turkiga oo shacabka Dalkiisa u sheegay war Farxadleh

Madaxwaynaha DalkaTurka  Rajab Tayib Erdogan  ayaa shacabka Dalkiisa u   sheegay  iney badda madow ka heleen kayd ballaaran oo gaaska dabiiciga (natural gas) oo gaaraya 320,000,000,000 m3, (320 bilyan) ayna ku soo saareen markabka (Al-Faatix) oo ay iyagu samaysteen, tanina bilaw tahay, welina baaritaanno kale ay wadaan maraakiibta (Qaanuuni) iyo (Yavus).

Wuxuu sheegay sannado badan iney maraakiib ajnebi baaritaanka wadeen waxna aaney soo saarin, laakiin hadda gacantooda ay ku samaysteen. Wexeyna isu diyaarineysaa Turkiya iney gaaska dhoofiso halkii ay 90% ka badan soo iibsan jirtey, wexeyna kor u boodeysaa 30 dhibcood ka badan liiska dalalka gaaska soo saara.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in helida gaaska dabiiciga ahi ay tahay tan ugu weyn taariikhda Turkiga, Waxaana  Wakhti cusub ayaa u bilaabmay dalka Turkiga kadib markii gaaska dabiiciga ah laga helay Badda Madow.

Turkiga ma joogsan doono, mana nasan doono illaa ay ka noqoto shabaqa wax dhoofin kara ee tamarta, ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan

Shacabka Turkiga ayaa aad ugu farxay arintan iyagoo sheegay in Dalkooda meel sare hiigsanayo Waxayna u mahadceliyeen Madaxwaynaha sida hagar la aanta ah Uu Dalkiisa ugu shaqaynayo .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com