Maxaa ka Jira in Xubno ka Tirsan shabaab ay u gudbeen Soomaaliland

Warar hoose oo soo baxay, ayaa xaqiijinaya in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Galgala ay todobaadkii hore u gudbeen dhinaca Somaliland.

Xubnaha Al-shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil, balse aan tiradooda rasmiga ah la Ogeyn , ayaa todobaadkii hore ugu gudbay dhinaca Somaliland, iyagoo aan hubaysnayn, islamarkaana dhar shacab xiran, sida ay  xaqiijiyeen Mas,uuliyiin ka Tirsan laamaha Amniga Puntland oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ama diiday in la soo xigto

Waxaase adag in xog sugan laga helo ujeedka xubnaha Al-shabaab iyo halka ay u socdeen, marka laga reebo wararka xaqiijinaya in ay galeen dhinaca Somaliland.

Warkan ayaa ku soo beegmay, xilli Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraleyda Gobolka Bari, ay  Weraro ay dagaal ay kala hortageen Ciidanka Puntland ,iyadoo maamulka puntland ay shaaciyeen in ay xoojinayaan dagaalka ay kala soo horjeedaan Dagaalyahanada ku Sugan Buuraha Galgala  ee gobolka Bari

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com