Sheekh C/qaadir Soomoow oo Si Kulul U Canaantay Wasiir Goodax

Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Soomow oo ka mida ah  Culimada Soomaaliyeed ee Ku Sugan magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre, xili uu ka hadlayey natiijada imtixaankii sanadkan.

SheekhCqaadir sheikh  Soomow ayaa naqdiyay hadal kasoo yeeray Goodax Barre, isagoona weerar culus ku qaaday, islamarkaana sheegay inuu gaf weyn ka galay Ardeyda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Natiijadii kasoo baxday imtixaankii dowladda ayuu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, iyada oo ay ku dhaceen kumanaan ardey ah oo u badan gobolka Banaadir.

Wuxuuna madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu soo fara-geliyo arrintan, isla markaana dib loo qaado imtixaanka, xili ay fadeexad xoogani ay kala kulmeen Arintaasi mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada kadib shaacintii natiijada imtixaanka.

Sheikh Soomow ayaa Wasiir Goodax usoo jeediyay in uu towbad keeno, maadama uu sheegay “cilmi baare Computer geliyay axaadiistii Nebiga NKKH uu soo saaray in cimrigiisa iyo tirada axaadiista aysan is keeni karin”, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiir Goodax Jahli buu ku hadlay, Xukun baadil ah buu riday, aqoon la’aan Nabiga NNKH sharaftiisa, qiimahiisa iyo diintiisa aqoonin buu ku hadlay, wuxuu ku dhiiraday Axaadiista Nebiga, waxaana ugu baaqeynaa Alle u towbad keen, jidka aad furtayba waa jid xun” ayuu yirii.

Sheekh Soomow ayaa ku biiray Xubnaha ka horjeedo wasiir Goodax, kaasi oo ka dhashay natiijadii imtixaanka dugsiyada sarre ee dhawaan ay shaacisay wasaaradu.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com