Xiisado ka Taagan degaan ka Tirsan gobolka sool

Xiisad Colaadeed ayaa weli ka aloosan Degaanka Aricaddeeye ee Gobolka Sool halkaas oo Shalay dagaal ku dhexmaray laba beelood oo Degaanka wada-deggan.

Colaadda labada beelood oo horay u soo jirtay ayaa la sheegaya in ay dib u soo laba-kaclaysay kadib muran ka dhashay bogcado ku yaalla Degaanka  kuwaas oo ay isku qabsadeen malayshiyaad ka kala tirsan labada dhinac.

Malayshiyaadka labada beelood ayaa weli ku sugan Degaanka inkastoo ay jiraan Ciidamo ka tirsan Somaliland oo halkaasi gaaray si ay u dhex-galaan balse sida la sheegayo aysan kalsooni ku qabin dhinacyada dagaallamay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com