Madaxweyne Qoor Qoor oo safar deg deg ah ku soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo safadae deg deg ah ku soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Waxaa ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka Tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor oo Warfidiyeenka  la hadlay ayaa sheegay in socaalkiisa muqdisho uu yahay ki ugu horeeyay uu muqdisho ku yimaado tan iyo doorashadiisi,isla markaana u jeedka uu u yimid ay tahay howlihii nabada iyo horumarka uu ka waday deegaannada Galmdug.

Waxaa uu sheegay in inta uu ku suga yahay Muqdisho uu kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka oo uu wadatashiyo kala duwan la yeelan doono, in kastoo uusan faah faahin.

Socdaalkan deg dega ah ee Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku soo aadaya  kadib markii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka dhawaan  in ay kalsoonida kala laabteen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Khayre

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com