Dowlada oo Ciidamo gurmad ah u dirtay Dhuusa-Mareeb

Muqdisho,Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw u dirtay Ciidamo gurmad ah Magaalada Dhuusa-Mareeb.

Diyaarad gaar ah ayaa ciidamadan ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya  in ciidamadan Tiro ahaan gaarayaan ku dhawaad laba boqol oo ah kuwa sida aadka u tababaran.

Dhuusa-Mareeb xalay ilaa iyo saaka waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan dowlada iyo Ahlu-Suna.

Wixii Warar ah ee ku soo kordha kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com