Dhageyso:Booliska Hirshabeele oo Hawlgalo ka sameeyay Magaalada Jowhar

Ciidamada Booliska dawlad goboleedka Hirshabeele ayaa Hawlgalo ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaalada Jowhar gaar’ahaan qaybo ka mid ah xaafada Hanti wadaag oo ka tirsan Magaalada Jowhar ee Caasimada Dawlad goboleedka Hirshabeele.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Hirshabeele Diini Rooble oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Jowhar ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar oo u Horkacyay Hawgalka Ciidanka Booliska ay ka sameeyeen xaafada hanti wadaag waxaana uu sheegay in lagu soo qabtay dad gaaraya ku dhawaad 30 ruux oo looga shakisan yahay in in qaarkood ay qayb ku liyihiin falalka amni xumo ee ka dhacay magaalada Jowhar.

Hawlgalka Ciidanka Booliska Hirshabeele ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah xaafada Hanti wadaag ayaa ku aadaya xilli mudooyinkii dambe falal lidi ku ah Amniga ay ka dhacayaan Magaalada Jowhar.