Soomaaliland oo Ciidamo geysay Laascaanood

Wararka ka imaanaya degmada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland ciidamo ay geysay Halkaas

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaasi ay yihiin kuwo hore aan loogu arag laascaanood

Maamulka somaaliland ee degmada Laas caanood ayaa la sheegay ay ka dambeeyeen  ciidamadaasi la geeyo Xaafadaha Magaalada kadib markii Dadka xaafadahaasi ay qaban qaabiyeen dibad bax looga horjeedo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda Dalka Jabuuti.

Sidoo kale degaano kaleoo ka  Tirsan gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn ayaa laga soo sheegaya in ay ka dhaceen kulamo lagu Taageerayo shirka Jabuuti halka kuwo kalena looga soo horjeedo