Ilhaan Cumar oo xaqiijisay in Aabaheed uu u geeriyooday covid19

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa shaacisay inuu Aabaheeda, Nuur Cumar Maxamed uu u geeriyooday Xanuunka COVID 19.

Hadal-qoraal oo ay soo saartay ayey ku sheegtay inaysan aqoonin erayo ay ku muujiso waxa ay ugala dhigan tahay iyada iyo dhamaan dadkii aqoonta u lahaa geerida Aabaheeda.

Ilhan Omar waxay ka mid tahay Labo Haween oo Muslim ah oo sanadkii 2018-kii loo doortay Xildhibaano ka tirsan Kongareeska Maraykanka.

Dhanka kale, Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London ayaa qoray in Ilhaan Aabaheeda oo 67-jir ah uu ku dhacay COVID 19, isla markaana uu 8-dii maalmood ee la soo dhaafay xaallad Koma’ ah ku jiro, laguna daaweynayo Isbitaalka Hennepin Medical Cener ee magaalladda Minneapolis.

Hayeeshee, Ilhaan Aabaheeda waxa uu Maraykanka tegay sanadkii 1995-kii, iyadoo ay wehliyeen gabdhihiisa Sahra iyo Ilhaan, balse 5 ka mid ah carruurtiisa aysan helin Fasax ay ku tagaan Maraykanka, kuwaasi oo markii dambe tegay dalka Britain.