Amnesty International oo ku Eedeysay Maraykanka in Dad shacab ah ay ku dileen Soomaaliya

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ee uu Fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda London waxay soo saartay Warbixin cusub oo ay ku muujisay in dad Rayid oo Soomaali ah lagu dilay Duqeymaha ay Diyaaradaha Maraykanka ka fuliyaan qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey in 2 duqeyn oo bishii Feberaayo ka dhacday Koonfurta Somalia lagu dilay 2 qof oo rayid ah, halka 3 kalena lagu dhaawacay.

Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay xaqiijiyeen inay dhaceen Duqeymahaasi, balse, waxay sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Weeraradaasi waxaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen Duqeymaha Maraykanka la beegsanayeen fariisimadda Alshabaab, kadib, markii ay  ay bilowgii bishii Janaayo ee sanadkan fuliyeen weerar qorsheysan oo ay la beegsadeen Saldhiga Ciiddanka Cirka ee ay Maraykanka ku leeyihiin Deegaanka Manda Bay ee Xeebta Gobalka Laamu ee dalka Kenya.

Weerarkaasi waxaa la sheegay in lagu dilay 3 Askar Maraykan ah, laguna burburiyey hanti lagu qiyaasay Malaayiin Dollar.

Warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International waxaa lagu sheegay in mid ka mid ah Duqeymaha Maraykanka oo bishii Feberaayo 2-dii ka dhacday Degmadda Jilib ay waxyeelo ka soo gaartay Qoys rayid ah.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Duqeyntaasi lagu dilay Nuurto Kuusow Cumar Abuukar oo 18-jir ahayd, halka 3 qof oo kalena uu soo gaaray dhaawacyo culus.

Duqeyn kale oo bishii Feberaayo 24-dii kadhacday  Deegaan dhowr mayl dhanaka Waqooyi kaga toosan Degmadda Jilib waxaa lagu dilay Marxum Maxamuud Salaad Maxamuud oo ahaa Beerley iyo Madixii Shirkadda Hormuud ee Degmadad Jilib.

Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ka soo baxayTaliyaha Taliska AFRICOM, Jenerel Istefen Townsend ayuu ku sheegay inay dib-u-eegis ku samayn doonaan khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray duqeymaha ka dhacay Koonfurta Somalia.

Wuxuuna intaasi ku daray inay baaritaan cusub soo saari doonaan dabayaaqada bishan April.

Taliska AFRICOM waxay duqeymo Diyaradeed ka fuliyaan gudaha Somalia, waxayna sanadkan geysteen 32 duqeyn, halka ay sanadkii hore fuliyeen 63-duqeyn.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.c